Saturday, November 14, 2009

Xarardheere waa magaalo hodon ah dhankasta bal an jaleecno in yar oo kooban Taariikhdeeda



[Show]
Wikipedia Forever Our shared knowledge. Our shared treasure. Help us protect it.
[Show]
Wikipedia Forever Our shared knowledge. Our shared treasure. Help us protect it.

Xarardheere

Ka Wikipedia

U bood: navigation, raadi
Xarardheere waa degmo ku taala deexda gobolka Mudug.
Xarardheere waa degmo xeebeed kaga taala soomaaliya dhinaca qorox ka soo bax ee [bari], gobalka eey ka tirsantahayna waa gobolka Mudug.
Waa degmo barwaaqaysan kana heli kartid waxyaabaha eey naftu u baahantahay, waxayna ku darsatay inay tahay degmo dalxiiseed qaboow xaga nulosha waa degmada maanta ugu qaalisan xaga nolosha degmooyinka Soomaaliya.
Siyaasad ahaan waa degmo ka nabadoon dagaalada galaaftay dalka qaybihiisa badan. Degmada waxaa daga beesha Waceysle Abgaal, Shiikhaal, Saleeman, Ceyr iyo Saruur oo ka wada tirsan beesha Habargidir.
Degmadaan oo ah meel Ilaahey ku manneystay qeyraadka sida baddii, xoolihii, beerihii intaba. Waxaa kale oo degmada ku teedsan magaalooyin aan ka dhicin iyo  tuulooyin dhowr ah sida Dhalwo, Dumaaye, Dabagalo, Jowle, Qosoltire, Ceelhur, Keynaan, Caad,Tuulaxaaji,Tawakal,Burjiriqo,Xabadeey,Sheekhcilmi,Caloolacad,
Sarmaan,Huursane,Dhaluuga, Cagacadde, Ilbir, Camaaro iyo Deegaan.
Haddii aannu dib u jalleecno waxaa ku dhashay Xarardheere siyaasiyiin caan ah sida:
1. Cabdirashiid Cali Sharmaarke, madaxweynii hore ee Soomaaliya (1967-69). 2. Maxamed Siciid (Jentelmaan), xildhibaan ka ahaa barlamaankii (1960-69). 3. Maxamed Abshir Muuse, taliyihii ciidanka boliska 1960-68. 4. Nageeye Gacal Kuul(Garxiir) halyey aad looga yaqaan deegaanka ahaana korneyl 1956-67
Waxaa kale oo ka mid ah taariikhda Xarardheere in sanadkii 1911 uu soo gaarey halyeygii Soomaaliyeed Maxamed Cabdulle Xasan (Sayidka), isagoo markaa doonayey ciidan waxaana uu lakulmay odayaashii Xarardheere si wanaagsan ayaana loo qaabiley waa markii uu tiriyey tixdan gabayga ah: "Heyb aan diblooraacin iyo darab Saruur baaleh."

Beesha Saruur Habargidir oo kulan xasaasi ah ku yeeshay magalada London ee carigaasi ingiriiska iyadoo lasku afgartay dhamaan wixii laysla soo qaaday oo dhan ugu danbeyntiina loo magacaabay guddi dhameystiran.

Foto: calanka  
Kulan uga socdy beesha SARUUR (H/Gidir) magaalada London, UK
oo lasoo afjaray
Magacyada gudiga la doortay -Akhriso/-Daawo

Saturday, November 7, 2009

Dowlada Shariif Sheekh Axmed garwadeenka ka yahay oo maamul bedelid ku dhaqaaqday maanta




Munaasabadaasi ayaa waxaa wareegto
ka soo baxday Madaxweynaha dowladda
KMG ka hor aqriyay dadkii ka soo qaybgalay
xiriiriyaha munaasabadaasi
C/raxiin Ciise Cadow. 
 
    1-     C/risaaq Maxamed Nuur 
waxaa loo magacaabay gudoomiyaha gobolka 
Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.
2-     C/salaad Daahir C/lle gudoomiye 
ku xigeenka koowaad ee arimaha 
Siyaasada iyo Bulshada.
3-     Warsame Maxamed Xasan 
waxaa loo magaacaabay gudoomiye 
ku xigenka 2-aad ee arimaha 
nabadgalyada iyo xasiloonida.
4-     Iimaan Nuur Iikar waxaa
loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka 
3-aad ee arimaha Maamulka iyo Maaliyada.

Mushaarka ay qaataan qolooyinkaan laga sugayey iney shacabka wax taraan oo ay muuqato in wax kasta ay iyagu afka iyo sacabada u dhigteen iyo dawarsiga oo sii dheer intaa iyo in kabadan oo qandaraas ah ay u egtahay in xaajadu tahay yaan lagaa badsan iyo inta goori goortahay faraqa buuxso ina adeerso qabyaaladeyso waxna how qaban shacabkii masaakiinta ahaa ee ay ka qixiyeen guryohooda iyo beerahooda ay waliba ugu sii dareen in magacooda looga dawarsado wadamada ay u tamashle iyo tuugsi tagaan oo haba yaraatee aysan jirin xitaa cid 1 maalin xitaa isku dayday kan dhaawaca ah kan ay miinada iyo hoobiyaasha iyo taankiyaasha Amison lagu garaaco an xitaa marna aysan jirin cid ku booqatay ama uga tacsiyeysay dhibkaas ay u geysteen iska daa in gargaar baniaadanimo loo sameeyo an ka aheyn in lagu dawrsado maatadaas laxasuuqayo oo yasan jirin cid ka naxaxeysa hadey ahaan laheyd kuwa Dowladda sheegta iyo kuwa kale ee iyaguna manaxayaasha ah ee iyaguba wata dantooda u qaaska hadaba ilaah ayaan u sheegeynaa dhamaan intaas dhibka ay u geystaan dadkaan maatada ah Allaah SWT waxaan ka rajeyneynaa oo an ka baryeynaa in kuwaan kuwo ka qeer badan Allaah noogu bedelo Aamiin

Topnews: Mushaaraadka ay qaataan
madaxda Dowlada Somalia
oo xad ka baxa. 
 06.11.09 Riix