Friday, August 21, 2009

wararka naga soo gaaraya daafaha calamaka ayaa waxa ay sheegayaan in bishii Ramadaanka ay bilatay


Ramaduunu kariim dhamaan muslimiinta dhan meel walba ay aduunka ka joogaan waxaan leenahay hambalyo. Kullu caam waantumbikheyr

Wednesday, May 27, 2009

Taariikhda dalkeena hooyo somaliya kabogasho wacan waxaa idiin soo diyaariyey Eng xasan maxamed gabow.


Waa farsamadii iyo maskaxdii
Eng Xasan Maxamed Gaaboow.
xmg114@hotmail.com

1. Gobolka Banaadir.

Shingaani Hodan Howlwdaag Shibis
Boondheere Yaaqshiid Kaaraan XamarJabjab
Xamarweyne Cabdicasiis Wadajir Waaberi
Wardhiigley Heli waa Dharkiinley Dayniile

Dhaqaalaha gobolka Banaadir waxa uu ku tiirsanyahay Ganacsiga.




Waa farsamadii iyo maskaxdii
Eng Xasan Maxamed Gaaboow.
xmg114@hotmail.com





Ururweynaha ahlusunna waljamaaca oo soo bandhigtay hub iyo saanad milateri ay kala wareegeen alshabaab iyo xizbulislaam.





AHLU-SUNNA OO JIIDDA DAGAALKA KU DIGRINAYA !!!


Ciidamada ahlu-sunna wal-jamaacah ee ku sugan jiidaha hore ee deegaanka wabxo ayaa waxa ay yihiin kuwa isla huwan Diktooni iyo Digrigii oo garab socda , Oo aad arkayso mar ay wadaan qur aan aqris , Digri , salaad iyo difaac aad u daran .

Markii aad si hoos ah u waraysato dadka deegaanada ay Culumaada ahlu-sunna wal-jamaacah gacanta ku hayaan waxa ay yihiin kuwa aad u taageeraya qaabka ay culumadu wax ku wadaan , ayagoo kugu oranaya waa wax ay ahlu-sunna mar hore ka seexatay , balse taa sii raacinaya waxa ay ahaayeen kuwa masaajida , dugsiyada , mowlacyada diinta ku faafiya oo da'yarta soomaaliyeed diinka noo baray .



Culumada Ahlu sunnah oo digrineeyso


Hooyo caasho xasan oo aan kula kulannay magalada wabxo ayaa waxa ay tiri " Culumadu waa culumadeenii ee diinka mashriq ilaa maqrib soo hagi jiray , wana kuwii diinka nasoo gaarsiiyey , waana garab taaganahay hiil iyo hooba , allaha garab galo .

Hadaba , Taageerada shacabku waa mid gaarsiisan heerkii ugu danbeeyey , maxaa yeeley ciidanka ahlu-sunna waa kuwa ay ka muuqato wajiyadoodu diinta oo ay ku jiraan mashaaikh waaweyn , macalimiin dugsi iyo ardaydoodiiba , taana waa mida aad akhristoow ku arkayso sawirada .




Degmada Wabxo oo ay gacanta ku haayan Ahlu sunaah


Isku soo wadaduuboow , Ciidamada ahlu-sunna , ayaa halgankan ay jiraan waxa ay ku darsadeen sida ay shacabku u garab taaganyihiin ,lamana oga halka uu halgankani uu saldhigandoono.

Sunday, April 19, 2009

Sir culus oo la helay sababtii loo dilay mujaahid kaahiye oo xogteeda oo rasmi ah la helay iyo cida sida rasmiga ah u dishay mujaahidka allaha unaxari

Iyadoo subaxnimadii Khamiistii lagu dilay magaalada Muqdisho taliyihii ciidamada maxkamadaha garabka Sheekh C/qaadir Cali Cumar kaasoo lagu magaaabi jiray Shariif Maxamuud Xasan kuna magic dheeraa (Kariye), ayaa waxaa soo baxaya warar xaqiijinaya kooxaha falkaasi ka dambeeyey iyo sababta loo aaneynayo.
Wararkan ayaa tibaaxaya in marxuum Shariif Kariye 13.04.2009, xilli galab ah uu kula kulmay dhalinyaro yar yar oo afafku cimaamado ugu xiranyihiin, kuwaasoo hoobiye soo dhigtay nawaaxiga Xaafada Shiirkole ee degmada Hodon, halkaasoo ay ka duqeynayeen Garoonka Aadan-cadde International oo uu ka dhoofayay Senator ka soday dalka Mareykanka.
Marxuumka ayaa ka hortegay dhalinyaradaasi si adagna ugu wargeliyay inay joojiyaan madaafiicda shacabka dhibaateyneysa, haddii ay doonayaan weerarna ay si fool ka fool ah u aadaan garoonka, waxaana halkaasi dood adagi ay ku dhex martay dhalinyaradaasi iyo Shariif kariye.
Hadalka Shariifka ayay isku dayeen dhalinyaradu inay iska dhega tiraan ayna sii wataan hoobiyeyaasha ay u ridayeen jihada Garoonka, isagoo inta soo dul istaagay dhuuntana ka qabtay hoobiyihii meel bacaad ahna ku tuuray, una sheegay inay ka dhaqaaqaan goobtaasi, iyaga oo markii dambe isaga tegay goobtaasi.
Dhalinyaradaasi ayaa la tilmaamay inay madaxdoodii u sheegeen in galabta uu is hortaag ku sameeyey xili ay jihaad ku jireen ninka lagu magacaabo Kariye, waxaana intaasi kadib u Fatwooday saraakiisha sare sare ee Al shabaab oo iyagu intooda badan jooga gobolada.
Intaasi kadibna waxaa weerar barqocad ku soo qaaday marxuum Kariye dhalinyaro ka tirsan Al shabaab kuwaasoo watay labo gaari oo Tonnet ah iyagoo rasaas ku furay taasoo keentay inuu u geeriyood.
Xoogaga Al shabaab ayaa iska fogeeyey inay wax lug ah ku leeyihiin dilka marxuum Kariye, inkastoo saraakiisha maxaakiimtuna ay ku caddeeyeen sheegeena inaan loo baahneyn in shakiba la geliyo qaarajinta Kariye ayna ka war hayaan.
Ma ahan markii ugu horeysay ee dad sedan oo kale loo dilo kuwaasoo ka hadlay danaha shacabka iyo in la joojiyo dagaalada, waxaana ugu dambeeyey odayaasha dhaqanka Hawiye oo iyagu si cad u sheegay in la joojiyo dagaalada, taasoo keentay in loogu hanjabo in madaxa loo dhiigeyn doono.

Tuesday, April 14, 2009

Mareyknaka oo kahadlay duqeyntii shalay loogu geystay airporka muqdisho

Mareykanka oo ka hadlay Duqeyntii Mareykanka oo ka hadlay Duqeyntii Garoonka Diyaaradaha Mogadishu.
USA 14 April 2009 Waagacusub Media.
Xubno ka tirsan Concareeska Dowlada mareykanka ayaa Faaqidey Duqeyntii maalinkii shaley Garoonka Diyaaradaha Muqdisho loo geestay xili Saraakaali mareykan ah halkaasi ka duulayeen.Bartilmaameedka:- Diblomaasiyiintii Mareykanka iyo duqeyntii lagu hoobtay+dareenka reer Mogadishu Dhageyso ama Download



window.google_render_ad();

Masuuliyiinka Mareykanka ahaa ayaa dhamaantood isku raacey in Weerarka shaley lagu qaadey Senator Donald Payne ee taahy mid Dowlada mareykanka looga aar gudan rabey Tiro Burcad badeed oo qaarijiyeen Ciidamada Liishkaqabo ee Dwolada Mareykanka Xili xoog kusoo badbaadsnayeen Muwaadiin Mareykan ah oo ku jiray Gacanta Burcad badeeda.
Khudbado xasaasiya iyo bartilmaameedka Radio WC Dhageyso
Masuuliyiintaan ayaa dhanka kale shaagey in wax lagu farxo tahay hadii ee badqabaan Senator Donald Payne iyo xogheytiisa ee si geesimo ah naftuuda ugu biimeeyay Somaalia oo rabshada iyo nidaam la’aan xoogani ka jirto.
Sidoo kale waxa ee amaan u jeediyeen Ciidamada Mareykanka ee sida geesimada ugu guuleystay Soo badbaadinta Muwaadiinta mareykanka eek u jiray gacanta Kooxaha Burcad Badeeda Somaalia.
Sidoo kale waxa ee sheegeen Xubahaan Mareykanka ah in socdaalka Senator Donald Payne ee Somalaia uu u tagay tageero Dowlada mareykanka ee siineyso Dowlada KMG Somalaia ee dhawaan lagu soo dhisey Magaalada jabuuti ee jamhuuriyada Jabuuti.Garoonka Diyaaradaha Mogadishu. 14.04.09 Riix

Odoyaasha dhaqanka hawiye oo hanjabaad kala kulmay mucaaradka

Odayaasha Hawiye oohanjabaadyo kala kulmay xagjiriinta. 14.04.09 Riix

Monday, April 13, 2009

Shabaabka oo markale isku ifinaya toosh

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in dooni siday hub iyo ajanabi ay ku soo xiratay Dekedda Kismaayo, iyadoo amaankana aad loo adkeeyay, doontaan ayaa la sheegay iney u raran tahay Horjoogyaasha Maleehsiyaakda Shababka oo ay sido hub & Rasaas, waxeyna ka soo shiraacatay magaalada Casab ee dalka Eritrea iyadoo soo martay oo ku hakatay magaalo ka mid ah kuwa xeebaha ee dakla Yaman.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Doontani ay ka timid magalaada Casab ee dalka Ereteriya, ayna ku soo hakatay magaalo xeebta ku taal ee dalka Yaman, ayna halkaasi ka soo raaceen tiro badan oo shisheeye ah kuwaasoo la sheegay in qaar lagu dejiyay degaanka Xaafuun ee Gobolka Bari Puntland, waxeyna muddo kooban joogi doonaan magaaloyinka Bosaso & Garoowe.
Doontani ayaa saacadu markey aheyd abaarihii salaadda Casar kadib ayay ku soo xiratay Dekedda Kismaayo sida uu sheegayo mid ka mid ah dadka degaanka Kismaayo.
Horjoogaha Al Shabaab ee Magaalada Kismaayo Ibraahim xaaji Jaamac Meecaad (Akhgani) ayaa tagay Dekedda, iyadoo ay ku wehliyaan tiro maleeshiyaadkiisa gaarka ah & xubno kale, wuxuuna halkaasi ku qaabilay xubnihii ajanabi ahaa, kuwaasoo la sheegya inuu u kaxeeyay gudaha magaalada.
Magaalada Kismaayo ayaa waxay ka mid tahay degaanada ay Maamulaan xoogaga Al Shabaab, inkastoo maalihii ugu dambeeyay ay soo baxaayeen khilaafka xoogan ee u dhaxeeya Kooxaha ku bahoobay maamulka magaalada.