Sunday, April 19, 2009

Sir culus oo la helay sababtii loo dilay mujaahid kaahiye oo xogteeda oo rasmi ah la helay iyo cida sida rasmiga ah u dishay mujaahidka allaha unaxari

Iyadoo subaxnimadii Khamiistii lagu dilay magaalada Muqdisho taliyihii ciidamada maxkamadaha garabka Sheekh C/qaadir Cali Cumar kaasoo lagu magaaabi jiray Shariif Maxamuud Xasan kuna magic dheeraa (Kariye), ayaa waxaa soo baxaya warar xaqiijinaya kooxaha falkaasi ka dambeeyey iyo sababta loo aaneynayo.
Wararkan ayaa tibaaxaya in marxuum Shariif Kariye 13.04.2009, xilli galab ah uu kula kulmay dhalinyaro yar yar oo afafku cimaamado ugu xiranyihiin, kuwaasoo hoobiye soo dhigtay nawaaxiga Xaafada Shiirkole ee degmada Hodon, halkaasoo ay ka duqeynayeen Garoonka Aadan-cadde International oo uu ka dhoofayay Senator ka soday dalka Mareykanka.
Marxuumka ayaa ka hortegay dhalinyaradaasi si adagna ugu wargeliyay inay joojiyaan madaafiicda shacabka dhibaateyneysa, haddii ay doonayaan weerarna ay si fool ka fool ah u aadaan garoonka, waxaana halkaasi dood adagi ay ku dhex martay dhalinyaradaasi iyo Shariif kariye.
Hadalka Shariifka ayay isku dayeen dhalinyaradu inay iska dhega tiraan ayna sii wataan hoobiyeyaasha ay u ridayeen jihada Garoonka, isagoo inta soo dul istaagay dhuuntana ka qabtay hoobiyihii meel bacaad ahna ku tuuray, una sheegay inay ka dhaqaaqaan goobtaasi, iyaga oo markii dambe isaga tegay goobtaasi.
Dhalinyaradaasi ayaa la tilmaamay inay madaxdoodii u sheegeen in galabta uu is hortaag ku sameeyey xili ay jihaad ku jireen ninka lagu magacaabo Kariye, waxaana intaasi kadib u Fatwooday saraakiisha sare sare ee Al shabaab oo iyagu intooda badan jooga gobolada.
Intaasi kadibna waxaa weerar barqocad ku soo qaaday marxuum Kariye dhalinyaro ka tirsan Al shabaab kuwaasoo watay labo gaari oo Tonnet ah iyagoo rasaas ku furay taasoo keentay inuu u geeriyood.
Xoogaga Al shabaab ayaa iska fogeeyey inay wax lug ah ku leeyihiin dilka marxuum Kariye, inkastoo saraakiisha maxaakiimtuna ay ku caddeeyeen sheegeena inaan loo baahneyn in shakiba la geliyo qaarajinta Kariye ayna ka war hayaan.
Ma ahan markii ugu horeysay ee dad sedan oo kale loo dilo kuwaasoo ka hadlay danaha shacabka iyo in la joojiyo dagaalada, waxaana ugu dambeeyey odayaasha dhaqanka Hawiye oo iyagu si cad u sheegay in la joojiyo dagaalada, taasoo keentay in loogu hanjabo in madaxa loo dhiigeyn doono.

Tuesday, April 14, 2009

Mareyknaka oo kahadlay duqeyntii shalay loogu geystay airporka muqdisho

Mareykanka oo ka hadlay Duqeyntii Mareykanka oo ka hadlay Duqeyntii Garoonka Diyaaradaha Mogadishu.
USA 14 April 2009 Waagacusub Media.
Xubno ka tirsan Concareeska Dowlada mareykanka ayaa Faaqidey Duqeyntii maalinkii shaley Garoonka Diyaaradaha Muqdisho loo geestay xili Saraakaali mareykan ah halkaasi ka duulayeen.Bartilmaameedka:- Diblomaasiyiintii Mareykanka iyo duqeyntii lagu hoobtay+dareenka reer Mogadishu Dhageyso ama Download



window.google_render_ad();

Masuuliyiinka Mareykanka ahaa ayaa dhamaantood isku raacey in Weerarka shaley lagu qaadey Senator Donald Payne ee taahy mid Dowlada mareykanka looga aar gudan rabey Tiro Burcad badeed oo qaarijiyeen Ciidamada Liishkaqabo ee Dwolada Mareykanka Xili xoog kusoo badbaadsnayeen Muwaadiin Mareykan ah oo ku jiray Gacanta Burcad badeeda.
Khudbado xasaasiya iyo bartilmaameedka Radio WC Dhageyso
Masuuliyiintaan ayaa dhanka kale shaagey in wax lagu farxo tahay hadii ee badqabaan Senator Donald Payne iyo xogheytiisa ee si geesimo ah naftuuda ugu biimeeyay Somaalia oo rabshada iyo nidaam la’aan xoogani ka jirto.
Sidoo kale waxa ee amaan u jeediyeen Ciidamada Mareykanka ee sida geesimada ugu guuleystay Soo badbaadinta Muwaadiinta mareykanka eek u jiray gacanta Kooxaha Burcad Badeeda Somaalia.
Sidoo kale waxa ee sheegeen Xubahaan Mareykanka ah in socdaalka Senator Donald Payne ee Somalaia uu u tagay tageero Dowlada mareykanka ee siineyso Dowlada KMG Somalaia ee dhawaan lagu soo dhisey Magaalada jabuuti ee jamhuuriyada Jabuuti.Garoonka Diyaaradaha Mogadishu. 14.04.09 Riix

Odoyaasha dhaqanka hawiye oo hanjabaad kala kulmay mucaaradka

Odayaasha Hawiye oohanjabaadyo kala kulmay xagjiriinta. 14.04.09 Riix

Monday, April 13, 2009

Shabaabka oo markale isku ifinaya toosh

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in dooni siday hub iyo ajanabi ay ku soo xiratay Dekedda Kismaayo, iyadoo amaankana aad loo adkeeyay, doontaan ayaa la sheegay iney u raran tahay Horjoogyaasha Maleehsiyaakda Shababka oo ay sido hub & Rasaas, waxeyna ka soo shiraacatay magaalada Casab ee dalka Eritrea iyadoo soo martay oo ku hakatay magaalo ka mid ah kuwa xeebaha ee dakla Yaman.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Doontani ay ka timid magalaada Casab ee dalka Ereteriya, ayna ku soo hakatay magaalo xeebta ku taal ee dalka Yaman, ayna halkaasi ka soo raaceen tiro badan oo shisheeye ah kuwaasoo la sheegay in qaar lagu dejiyay degaanka Xaafuun ee Gobolka Bari Puntland, waxeyna muddo kooban joogi doonaan magaaloyinka Bosaso & Garoowe.
Doontani ayaa saacadu markey aheyd abaarihii salaadda Casar kadib ayay ku soo xiratay Dekedda Kismaayo sida uu sheegayo mid ka mid ah dadka degaanka Kismaayo.
Horjoogaha Al Shabaab ee Magaalada Kismaayo Ibraahim xaaji Jaamac Meecaad (Akhgani) ayaa tagay Dekedda, iyadoo ay ku wehliyaan tiro maleeshiyaadkiisa gaarka ah & xubno kale, wuxuuna halkaasi ku qaabilay xubnihii ajanabi ahaa, kuwaasoo la sheegya inuu u kaxeeyay gudaha magaalada.
Magaalada Kismaayo ayaa waxay ka mid tahay degaanada ay Maamulaan xoogaga Al Shabaab, inkastoo maalihii ugu dambeeyay ay soo baxaayeen khilaafka xoogan ee u dhaxeeya Kooxaha ku bahoobay maamulka magaalada.

Xisbul islaam oo cabasho ka muujiyey hadaladii shalay ka soo baxay odogayaasha dhaqanka hawiye

Afhayeen ka trisan Xoogaga Islaamiyiinta Hubeysan ee Xisbul Islaam ayaa ka jawaabay Hadalkii shalay ka soo yeeray Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ee ahaa inaysan u Dul-qaadan doonin Dagaalo ka sii socda Magaalada Muqdisho.
Muuse Cabdi Caraale ayaa sheegay inay u arkaan Odayaasha inay Dhinac Gaar ah is-xijiyeen isla markaana ay Islaamiyiinta hubeysan Dhan ka noqdeen, taas oo uu sheegay inay kala Fogaynayso Xoogagooda iyo Odayaasha Dhaqan, isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “hadda Odayaasha waxaan u aragnaa inay Dhinac Gaar ah is-xijiyeen ayna Islaamiyiinta Hubeysan Dhan ka noqdeen ay waliba Hanjabaad iyo Dhaar ay ku Dhaqmeen, arimahaas oon isleeyahay waxay aad u kala Fogaynayaan Xoogagooda iyo Odayaashii iyada oo Cadowgii soo duulay joogo”.
Muuse Cabdi Caraale ayaa sidoo kale ku eedeeyay Odayaasha Dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye inay ka hadli waayeen dhibaatooyinka ay geysanayaan ciidamadda shisheeye ee ku sugan Muqdisho, wuxuuna yiri “Waxaa wax lala yaabo ah in Odayaashu ay ka hadli waayaan dhibaatooyinka ay geysanayaan ciidamadda shisheeye ee ku sugan Muqdisho, balse ay ka horyimaadaan oo kaliya dagaaladii ay la gali lahaayeen Mujaahidiintu,”.
Shalay ayay ahayd markii uu Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo Shir Jara’id ku Qabtay Magaalada Muqdisho uu si kulul uga hadlay Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee ka dhacay Caasimada, wuxuuna yiri “anaga oo ku hadlayna Muqdisho Dadka ku Nool Afkooda, Ma loo Dulqaadan karo waxyaabaha hadda socoda, gees ayaan ku nahay waan ku dhiiranahay, mana la aqbali karo maalin walba nin Gurigiisu Nabad yahay inuu inta ka sameeyo Dagaal oo uu ka Iclaamiyo Wallaahi Billaahi Tallaahi inaan qaadan Karin Dadka Bulshada ahna aysan Qaadanayn, Xisaabta wax ka mamnuuc ah iyo Meelaha ugu dambeysa yaan nala geynin Gogol ayaa noo fidsan qofka wax Khaldan Arka oo islaamka uga dhex jeedaa ama Soomaali uga Dhex jeeda ha soo bandhigo wuxuu rabo Banaanka ha soo dhigo wixii khalad ah waa laga qaadan wixii sax ahna waa looga Naseexaynayaa, laakiin waxaan rabaan kugu sameynayaa gurigayguna waa Nabad gurigaygana anaa Maamula Wallaahi Bilaahi Tallaahi inaanay Caqliga Bini Aadamka Galayn lana Qaadan Karin, waana ka soo horjeedaan”.
Dadka qaar ayaa u arka in ay soo xirmayaan Dadaalo Badan oo ay ka dhex wadeen Odayaasha Dhaqanka iyo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Dowlada Midnimada qaran & Xoogaga islmaayintaa Hubeysan ee weli dagaalada ka wada Muqdisho kaliya.

Sunday, April 12, 2009

xasan maxamed gabow oo soomalida u soo jeediyey talo wax ku ool ah ilaahey hanaga dhigo kuwii ku waano qaata walaalkeena waanada wanaagsan

<span style="font-weight:bold;">Waa engineer xasan maxamed gabow oo idin leh soomaalay nabad soomaalay nabad guul barwaaqo iyo wada jir isku duubni is xaqdhowr iskaraameyn is qadarin is cafis intaas waxaad ku gaari kartaan hadafkiina oo qura hadaba si ay u suurto gasho dhamaan muraadkeena oo idili aan ulaabano allihii ina abuuray oo u caabudno say tahay oo aysan ku jirin istustus iyo islaweyni iyo is foohaarin iyo is qaad qaad iyo anigaa qurac ah iyo anigaa qansax ah iyo anigaa laandheer ah iyo adigaa laaangaab ah iyo waxa la halmaalah. hadaba si taasi u suurto gasho ha idinka noqoto kal iyo laab oo ilaahii idin abuurtay u toowbad keena la imaada towbad nasuuxa ah oo wadata shuruudeheeda oo kaamil ah markaad intaas la imaataan soomaalay waxaa xaqiiqa ah in ilaahey idinkugu bedelayo dhibka dheef iyo denbi dhaaf aakhiro iyo adduunba waayo shaki kuma jiro in jidkii toosnaa la hareer maray hadaba si loo helo jidka toosan aan sameyno intaas iyo in lamid ah oo wanaag ah waa xaqiiqo in aan gaareyno hadafkeena oo qur ah in sha allaah.